AKHRISO: Khudbadii R/W Saacid looga diiday in uu ka akhriyo Baarlamaanka

KHUDBADDII RAYSAL WASAARAHA EE MADASHA BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

DECEMBER 02, 2013

RW-Shirdoon1_jpgMarka ugu horreysa waxaan Salaan waafiya u hibeyneyaa Guddoonka iyo Xubnaha GOLAHAN HAYBADDA WEYN EE SHACABKA, oo ay haboon tahay in mar walba la xasuusnaado in Fadhigiisa Guud yahay HAY’ADDA, Dastuur ahaan, Ugu SARREYSA Uguna AWOODDA badan Qaranka Soomaaliyeed.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 Markay taariikhdu ahayd 24/11/2013, waxaa Golaha Sharafta leh la iga keenay Hindise/Mooshin la xiriira kalsoonida xukuumadda. Fursaddan qaaliga ah ee Guddoonku I siiyay waxaan uga faa’iideysanayaa inaan uga jawaabo su’aalaha shanta ah ee Mooshinku ka kooban yahay.

Jawaabta Su’aasha Koowaad

Su’aasha Koowaad ee Mooshinka:

Waxaa cad in xukuumaddu gudan weyday fulinta balanqaadyaddii ku xusnaa Barnaamijka Xukuumadda ee uu Raysal Wasaaruhu Golaha Shacabka u soo gudbiyay taariikhdu markay ahayd 05l11/2012.

Markaanu u kuurgalay qaybaha (Siyaasadda Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibedda, Dhaqaalaha iyo Adeegga Bulshada) ee ku xusnaa Barnaamijka Xukuumadda, waxaa noo soo baxday in 80% aan waxba laga fulin. Waxaan kaloo ku qanacnay in ay yaraatay rajada laga qabi karo Xukuumaddu in ay awood u leedahay in ay fuliso mustaqbalka barnaamijka Xukuumaddu horey ugu soo gudbisay Golaha Shacabka

Jawaabta Su’aasha Koowaad

Jawaabahayga mooshinkan waxaan jecelahay in aan ku bilaabo weedhii ina wada faraxa gelisay ee Beesha Caalamku 16kii Siibtambar ka soo jeedisay Brussels ee ahayd sidan:

“Kadib markii aanu ku qanacnay horuumarka la taaban karo ee Xukuumadda Soomaaliya ay ka sameysay dhinacyada siyaasadda, ammaanka, dib-u-heshiisiinta iyo arrima kale oo muhiim ah, waxaanu go’aan ku gaaray in shirka Brussels loogu ururiyo Soomaaliya taageero dhaqaale oo badan si loo sii dhiirigeliyo, loona taageero horuumaradaa iyo calaamadaha wanaagsan ee dawladnimo ee ka muuqda Soomaaliya….”

 Weedhan Brussels iyo shirarkii kale ee London, yokohama, Geneva, iyo kuwa kale ee qorsheysan intuba waxay ka markhaati kacayaan kana tarjumayaan qiimeyn caalami ah oo dhexdhexaad ah.

 Dhanka kale IMF, Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Africa (ADP) wey aamineen oo ku qanceen isbeddelka iyo horuumarka aynu sameynay iyo waxa nooga qorsheysan maamulka maaliyadeed iyo dhaqaalaha dawladeena. Hay’adahaasi lama dhaqmaan xukuumadaha fashilaya, waxayse dhiiri geliyaan kuwa degdegta u kabanaya ee mustaqbalka leh, sida Soomaaliya oo kale. Sida caalamku noola dhaqmayo, waxay sawir cad u tahay sida aan u maamulayno siyaasadda arrimaha gudaha. Taa macnaheedu waxa weeye waan guuleysanay ee maanaan fashilin. Haddaba maxaa noo qabsoomay muddaddii koobnayd ee halka sanno ahayd?

1. Dhaqan iyo mabda’ siyaasadeed oo cusub:

 Waxaan la nimid dhaqan iyo mabda’ siyaasadeed oo cusub oo ku dhisan isbeddel doon saldhigiisuna yahay sinnaan, abuurid xasillooni siyaasadeed, dhaqan shaqo, samir badan, iskaashi iyo musuqmaasuq la’aan.

 Isbeddelku waa xanuun badan yahay, caadiyana sahal looma aqbalo. Hase yeeshee, maanta beelaha Soomaaliyeed ee 5ta ahi way siman yihiin. Dumarku markii ugu horreysay bay si maskab ahaan muuqata uga qayb qaadanayaan siyaasadda dalka, xukuumad ahaana waxaanu muujinay in aanaan ahayn mulkiilayaasha siyaasadda Soomaaliya, balse aanu nahay maamulayaal oo qura.

 Tusaale, waxaan si isdaba joog ah u qabanay shirweynihii cadaaladda, siyaasadda, waxbarashada, culimada iyo caafimaadka, haddana waxaa noo qorsheysan shirweynihii amniga. Halkaas, waxaa ka muuqata in talada dalku u sii gacan galeyso dadka, weliba annagoon si buuxda u dhaqan gelin habka federaalismka ee aan dooranay kuna qeexan dastuurkeena. Siyaasaddan iyo dhaqankan cusub ee xukuumadaydu waxay horseed u yihiin isbeddel la aamini karo ee Soomaaliya aan u horseednay.

2. Xagga amniga iyo la dagaalanka argagixisada:

 Waxanu la nimid isbeddel dhab ah ee hoggaanka, tayada, tababarka iyo kororsiimo tirada (30% – 40%), noocyada ciidamada qalabka sida. 11 bilood ka dib, Maanta agabka kala duwan ee ciidamadeena annagaa la nimaadna ee uguma xirnin Amison.

 Maanta mushaharka ciidamadeena kama sugno waddamo saaxiib ah ee khasnadda dawladdaa laga baxshaa dhammaadka bil walba.

 Maanta nama saarra cunaqabateyntii hubka ee si xorriyad leh baan u soo gadanaa hub iyo saanadba.

 Maanta tababarka ciidamadeena waxaa lagu qabtaa dalka gudihiisa, waxaana kor u kacay tayadii, dhishibiliinka, kalsoonida iyo waxqabadkoodaba. Qiyaas marka la gaaro 2016, tirada ciidamadu waxay kordhi doontaa in ka badan laba jibaar intaan ugu nimid November 2012.

 Xagga amniga iyo ciidamada waxaan maanta iska kaashanaa in ka badan lix waddan ee saaxiib ah iyo waddamada gobolka ee ciidamadu Soomaaliya ka joogaan ee u dhabar adaygay kaalmeynta amnigeena.

 Dhanka la dagaalanka argagaxisada oo ah mushkiladda ugu adage ee hortaagan dawladnimo hanaqaadda ee Soomaaliya, waxaanu xaqiijinay guulo wax ku ool ah ee xagga xoreynta, xog-aruurinta, muquuninta cadawga, wacyi gelinta dadka, dhaqan celinta dhallinyarada iyo iskaashiga caalamkaba. Tirada AMISOM, een iska kaashano amniga iyo la dagaalanka argagixisada waxaa degdeg ugu kordhi doona in ka badan 4,000 oo ciidan ah;

 waxaa noo qorsheysan dhowaan hawlgal baaxad leh ee uu isugu furmi doono dhammaan wadankeenu. Faahfaahin intaa ka badan halkan kama bixinayo, waxaanse Illaahey ka rajeynayaa sidaan ku talagalnay in bartamaha sannadkan soo socda ee 2014 aan gaarno Soomaaliya aad uga beddelan tan maanta, gaar ahaan xagga isu-socodka iyo muquuninta xag-jirka hubeysan.

 Waxaan idin xasuusinayaa in argagixisadu tahay mushkilad dhab ah ee deriska iyo caalamkuba nala wadaago, sidaas awgeed iskaashigoodu waa gar.

 Istaraatajiyadayada dhabta ah ee xag-jirnimada hubeysan ku aaddani waa dulqaad la’aan iyo cirib-tir buuxa.

3. Xagga siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta:

Si aan u dhegaysano talada dadka, ulana noolaano dareenka dadka, waxaan booqasho ku tegey Puntland, Galmudug, Ximan iyo Xeeb, Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Beledweyne, Jowhar, Balcad, Afgooye, Merka, Baydhaba, Garbahaarey iyo Kismaayo.

 Waxanu kaalmeynay maamul dhisid, dib-u-heshiisiin, wacyi gelin, ammaan sugid, tababaro, adeeg bulsho, mushahar bixin, gurmad, dib-u-kabasho iyo horuumarba.

 Heshiiskii Addis Ababa waa guuleystay, wuxuuna suurta geliyay soo ifbixitaanka Maamulka Jubbooyinka.

 Wada-hadalkii aan bilownay ee Istanbul ee saddex biloodlaha ahaa waa socdaa, qorshihiisiina kama leexan, , dantuna waa in lagu gaaro wadajirka Soomaaliya.

 Burcad badeednimaddii ka jirtay xeebaha iyo badaha Soomaaliya , hal sanno ka dib, maanta waa baaba’. Qafaalkii iyo madax furashaddii xannuunka iyo ceebta badan nagu hayn jirtay waa laga raystay.

 Maamulka Hawada Soomaalia (Air Space), labaatan sanno ka dib, ugu danbeyn April 2014 ayaan si rasmi ah ula soo wareegi doonaa

maamulka iyo kharajkii laga aruuriyay muddadaas oo ka badan USD20 milyan.

4. Xagga Arrimaha Bulshada:

 Waxaan alifnay kuna guuleysanay qorshe waxbarasho oo noociisu ku cusub yahay wadamada dagaalada sokeeye ay daashadeen sida Somalia, ee la yiraa ‘Aada Dugsiyada’ oo hal milyan oo arday ay waxbarasho ku helayaan muddo gaaban. Ilaa hadda, 1,500 oo macallin ayaa la qoray, in ka badan 1,000 macallin ayaanu iyana dib ugu yeernay si ay u hawlgalaan.

 Caafimaadka qaab cusub baan u wajahnay ee suurtagelinaya caafimaad bulsho ee sugan oo dhammeystiran. Illaa iyo hadda gobolada oo dhan ma aanaan wada gaarin sababo amni awgeed, hase yeeshee barnaamijka EPHS waa tijaabo caafimaad ee wadamada nooceena oo kale ahi ay ku liibaaneen, anana waa ku adkaan doonaa hirgelintiisa. Barnaamijkaas waxaan la kaashanaa hay’ado caalami ah iyo waddamo saaxiib ah.

 Biyaha Ceelasha Dhaadheer: In ka yar muddo sannad ah ayaan qorsheynay in laga qodo dhammaan qaybaha Soomaaliya 160 ceel oo maaliyaddooda aan ka helnay Organization of Islamic Conference (OIC) iyo Islamic Bank. Hawshaa dhaqan-galkeedu waa bilaabmay.

 Adeegga Boostada: dadaal badan ka dib, waxaan dib u soo ceshanay xubinimaddeennii buuxday ee Adeegga Boostada ee Caalamiga ah (Universal Postal Service) oo aynu muddo 20 sanno ka badan ka maqnayn. Tallaabadaa muhiimka ahi waxay horseedeysaa in dhawaan adeeg dhinaca boostada ah oo ku tiirsan Adeegga Guud ee Boostada caalamka dalkeena laga hirgeliyo. Adeegaasi waa mid aakhirka ku faafaya dhammaan qaybaha kala duwan ee dalka, iskuna xiraya dalka iyo dibedda.

 Xuquuqul Insaanka: Waxaan sameynay Tubta Difaaca iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka. Waxaa ammaan naloo ka soo jeediyay, markii u horreysay, shirkii Geneva ee sannadlaha ahaa ee Somalia loo qabtay.

5. Arrimaha Maaliyadda iyo Dhaqaalaha iyo Dib-u-Dhiska:

 Waxaan horumar miro dhal ah oo caalamku garwaaqsaday ka gaarnay maamulka maaliyadda, min xereyn ilaa kharaj. Waa hab suurageliyay in loo maamulo maaliyadeena qaab muuqda, la aamini karo ee musuqmaasuq la’aan ah.

 Barnaamijka SFF (Special Financial Facility): Waa noo shaqeeyaa hadda. In ka badan 600 oo shaqaale ah ayaa bil walba mushaharkooda toos uga qaata. Isla barnaamijkaa waxaa ku mataaneysan mashaariic yaryar oo loogu tala galay qaybaha dalka ee kala duwan.

 Dakhligeena Guud oo bishiiba ahaa USD 2.5 Malyuun October 2012, maanta waa USD9-10 Malyuun bishiiba. Xisaabaheena oo dhanna waxay maraan habraaca xisaabeed ee dawladnimo iyo miisaaniyadda.

 Bangigeena Dhexe si buuxda buu u shaqeeyaa maanta, waana meesha keliya ee dawladeena wax walba oo maaliyad la xiriira u soo maraan, gudaha iyo dibeddaba.

 Kororsiimo Miisaaniyadeed oo Joogto ah: Miisaaniyadda 2013 oo si sharci ah u martay Baarlamaanka waxay ka badnayd 24.3% miisaaniyaddii 2012. Tan 2014, ee aan diyaarineyna waxay ka badan tahay 102% tii 2013. Weliba ma aanaan tixgelin kaalmo dibedeed badan oon ka fileyno caalamka.

 Koritaanka dhaqaalaha iyo ganacsiguba waa saddex jibaarmeen marka loo eego sannadkii hore. Maanta waxaan leenahay Sharciga Maalgelinta Caalamiga ah ee Somalia iyo shuruuc kale oo kaabaya

horumarinta ganacsiga. Shariikado badan oo caalami ah ayaana maanta u tartamaya maalgelinta Somalia.

 Qorshaha Hiigsiga Cusub (The New Deal Compact): Waa guul aynu gaarnay. Waxaa naloo ballan qaaday kaalmo dib-u-dhis ee gaareysa USD2.4 Billion.

 Waxaa jira ballanqaadyo badan ee lagu heli doono kaalmooyin dhaqaale iyo farsamo ee ka madax bannaan qorshaha The New Deal.

6. Xagga Arrimaha Dibedda:

 Xiriir siman ee is-xurmeyn iyo iskaashi ku dhisan yaan la leenahay maanta caalamka. Aad buu u horuumaray xiriirkeena waddamada deriska ah.

 Lixdii bilood ee u dambeysay in ka badan 10 waddan yaa safiiradoodii si rasmi ah looga guddoomay waraaqihii aqoonsiga oo qaarkood bilaabeen dhismihii safaaradahooda.

 Maanta aqoonsiga iyo la dhaqanka Somalia ee caalamku mugdi kuma jiro.

Su’aalaha 2, 4 iyo 5 oo runtii hal jawaab oo wada socota u baahani waxay kala yihiin:

2. Waxaa kale oo dhab in Xukuumaddu ku guuldareysatay fulinta Qoddobada Dastuuriga ah ee ku xusan Cutubka 15aad ee Dastuurka ku Meel Gaarka ah, gaar ahaan Qoddobka 135 ee Dastuurka sida dhismaha Guddiga Runta iyo Dib u Heshiisiinta, Maxkamadda Dastuuriga ah IWM.

4) Xukuumaddu waxay gashay heshiisyo badan oo Caalami ah oo aysan u soo gudbin Golaha Shacabka si uu uga guto waajibaadkiisa ku cad Qoddobka 2aad (P) ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.

5) Xukuumaddu waxay ku guul darreysatay dhismaha iyo tayeynta haya’daha muhiimka ah sida: (Amniga iyo Maamulada Gobolada, Garsoorka, Xuquuqal Insaanka, La Dagaalanka Musuqmaasaqa IWM)

Jawaabaha Su’aalaha 2, 4, iyo 5

 Mudanayaal iyo Marwooyin eedeymaha Su’aalahani xanbaarsan yihiin waa kuwo hubsiimo dheeraad ah u baahan. Lama abuuri karo hay’ado iyo guddiyo iyadoo aan marka hore sharciyadooda la sameyn, la ansixin, saxeexna aanu ku dhicin.

 Xukuumaddu iyadoo gudaneysa doorkeedii ahaa in ay soo gudbiso hindise sharciyeedyaddii hay’adaha kala duwan u noqon lahaa aasaaska ay ku dhisan yihiin, waxay horraantii ilaa bartamihii sannadkan 2013, Baarlamaanka farta ka saartay Hindise sharciyeedyadan soo socda:

 Hindise Sharciyeedkii Golaha Adeegga Garsoorka

 Hindise Sharciyeedkii Dhismaha Maxkamadda Dastuurka

 Hindise Sharciyeedkii Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka

 Hindise Sharciyeedkii Xuduudaha Gobolada/Degaanada

 Hindise Sharciyeedkii Xuquuqda aadanaha

 Hindise Sharciyeedkii Dhismaha Gobolada iyo Degmooyinka

 Hindise Sharciyeedkii la Dagaalanka Argagixisada

 Hindise Sharciyeedkii Dhismaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka

 Hindise Sharciyeedkii Maalgelinta Ganacsiga iyo Wershadaha

 Hindise Sharciyeedkii Hay’adda Duulista Hawada ee Rayidka

 Hindise Sharciyeedkii Runta iyo Dib u Heshiisiinta

 Hindise Sharciyeedka Shaqaalaha Arrimaha Dibedda

 Hindise sharciyeedka Xafiiska Gardoonka

 Hindise Sharciyeedka hay’adda Dib u soo Celinta/Dib u Dejinta Qaxootiga

 Hindise Sharciyeedki Bangiga Horuumarinta iyo Dib u Dhiska Soomaaliyeed

 Hindise Sharciyeedka Kalluumeysiga ee Soomaaliya

 Hindise Sharciyeedka xeerka Isgaarsiinta

 Hindise Sharciyeedka Shatiyada Ganacsiga

 Hindise Sharciyeedka Summadda Ganacsiga

 Hindise Sharciyedka Guud ee Xeerka Maaliyadda (Public Finance Act)

 Baarlamaanku wuxuu ansixiyay dhowr ka mid ah sharciyadaa, haseyeeshee saxiix kuma dhicin. Haddii taasi dhacday, waxaa kale oo dastuur ahaan u furayd baarlamaanka in uu ku dhawaaqo in sharciyadaasu si toos ah ay u saxiixan yihiin (automatic ratification) 14 maalmood ka dib, si ay xukuumadu hawlaheeda si buuxda ugu gasho. Taasina ma dhicin ilaa iyo hadda.

 Waxaa intaa dheer in xukuumaddu u gudbisay Baarlamaanka muddo ka hor heshiisyo caalami ah ee ay ka mid yihiin:

 Heshiiskii iskaashiga Tababarada Ciidamada ee Somalia iyo Turkey

 ‘Protocol’kii Mucaawimada dhaqaale Somalia iyo Turkey

 Heshiiskii Caalamiga ahaa ee Cotonou

 Heshiiskii WIBG iyo Shirkadda Favouri ee Garoonka Aadan Cadde

 Heshiiska Iskaashiga Milatari ee Talyaaniga iyo Soomaaliya

 Heshiiskii Wasaaradda Maaliyadda iyo Norway ee Tas-hiilaadka Maaliyadeed ee Gaarka ah (SFF)

 Hindise Sharciyeedyada iyo Heshiisyada Caalamiga ee Xukuumaddu Baarlamaanka u gudbisay muddaddii sannadka ahayd ee ay jirtay waa ilaa soddomeeyo. Markaad barbar dhigto xataa baarlamaanada dalalka deggan, waa tiro aad u badan in xukuumad u gudbiso Baarlamaankeeda soddomeeyo Hindise-Sharci/Heshiis sannad gudihii.

Jawaabta Su’aasha 3aad

 Taasi waa dhab, waa nala soo weydiiyay dokomentigaas. Hase yeeshee, isla markii nala weydiiyay ayaanu Golaha Baarlamaanka u gudbinay qorshihii/waxqabadkii tobanka Wasaaradood ee Xukuumadda. Waxaanu halkan ku haynaa caddeyntii, saxiixii, iyo shaabaddii uu Agaasimaha Xusuus Dhowrka Golaha Shacabku nagaga guddoomay soo-gudbintii qoraalka Qorshaha/Waxqabadka Wasaaradaha ee loogu tala galay guddiyada Baarlamaanka.

Su’aasha 3aad ee Mooshinka:

Si loo horuumariyo wada shaqaynta Xukuumadda iyo Golaha Shacabka, waxa Golaha Shacabku ka codsaday Xukuumadda taariikhdu markay ahayd 28 February 2013 in Wasaarad walba soo gudbiso qorshe hawleedkeeda sannadka 2013, si ay Guddiyada Golaha Shacabka ula xisaabtamaan Wasaaradahaa. Waxaa nasiib darro ah in ilaa iyo hadda aysan jirin Wasaarad soo gudbisay qorshe hawleedkaasi.

Caqabadaha:

1. Ma nihin dawlad ku meel gaar ah, haseyeeshee system’keena. institutions’keena iyo hab-dhaqanka dadkeenuba uma diyaarsana/umana bisla dhaqan dawlad Dastuuri ah.

2. Waxaa nagu soo fakaday hal mar mas’uuliyaad aanaan u diyaar garoobin, anaana wada xamili karin waqtigan, aysana jirin cid si qorsheysan noola qaadaysa – sida qalabeynta ciidankeena. Hal sano ka hor mas’uuliyadaas waxaa nala wadaagi jiray AMISOM.

3. Waxaan kulansanay ooy tahay hal mar inaan la wada tacaallo: Dawlad la’aan gaamurtay oo na badday fawdo iyo kala danbeyn la’aan, kala qaybsanaan, fakhri, argagaxiso, burcad badeed iyo waxyaabo kale oo badan ayadoo muuqaalkeena/image’keena dawladnimo uusan xoog badneyn.

4. Waxaa ku dhex nool dawladnimadeena dhaqan kooxeysi ku dhisan. Cid walba oo leh qorshe/ajende gaar ah een waafaqsaneyn Dastuurka waa u halis dawladnimadeena curdanka ah.

Xasilooni la’aanta siyaasadeed ee maanta kama dhalan institutions’ka dawladda dhexdooda. Waxaa wada gacmo kale oo awood iyo ujeeddo u gaar ah leh. Waa khilaaf la dhex keenay aniga iyo Madaxweynaha + Golaha Baarlamaanka + Golaha Xukuumadda.

Tusaale:

 2-3 toddobaad ka hor intaan buuqani abuurmin, Madaxweynaha waxaan ka wada hadleynay 2016 wixii ka danbeeya.

 2-3 toddobaad ka hor Golaha Xukuumadda waxay ahaayeen Gole si wada-jir ah (consensus) go’aankooda ku gaara.

 2-3 toddobaad ka hor Golaha Baarlamaanka motion kama jirin.

Waa la socotaan, waxaa muqadimiin ka ah xasillooni la’aanta siyaasadeed ee maanta Wasiiro ka mid ah Xukuumadda oo qaba in ayagu ay soo harayaan oo si sahlan loo bixiyo Raysal Wasaaraha.

Waxaan si cad ugu sheegay Madaxweynaha , oon dadaalkiisa la’aantii halkan la isla soo gaareen, inaysan gar ahayn in koox dano gaar ah leh Somalia looga haro.

Xildhibaano, waxaan idinka codsanayaa maanta in arrinta aan ka digayo idnaan fududeysan kuna dhiirataan xasillinta siyaasadda Somalia ood codkiina xaqa ah ku baajisaan in loo qafaalaado koox gaar ah taasoo ah: Caqabad ballaaran ee na hortaal maanta.

Gunaanad:

Waxaan si buuxda uga mahadnaqayaa Guddoonka iyo Golahaba fursaddan qaaliga ah ee difaaca xukuumadeyda.

Haddii mooshinkani ahaa walwal waxqabad la’aan, waxaan saacaddan qabaa/dareensanahay in taas xal loo helay oo laga bogsooday. Waana soo dhoweynayaa dhaqanka isla-xisaabtanka. Hase yeeshee, waxaan Baarlamaanka sharafta leh ka codsanayaa in aan nalaga dhex arag siyaasad kale oo qiimeyntu ku ekaato waxqabadka xukuumadda.

saacid

Dhankayga, waxaan maanta qoray taariikh kadib markaan noqday Raysal Wasaarihii ugu horreeyay ee isagoo jooga ku soo simay muranka ka dhasha iscasil/iscasili maayo Golaha Shacabka. Go’aankanu ma sahlanayn mana hurid la’ayn. Waxaanse si kalsooni leh u qaatay inaan idin aamino oo dib idiinku soo cesho kalsoonidaad igu siiseen 219/225 cod si aan taariikhda iyo dawladnimada Soomaaliya bog ifaya ugu yeesho.

Malahayga idinkana waxaa idiin dagatay guul iyo taariikh ee u codeeya “Haa; waa ku Kalsoon nahay Xukuumadda” – si aad u noqotaan horseedayaasha dawladnimo dastuur ku dhaqanta.

Mudanayaal iyo marwooyin, waxa Soomaaliya maanta u kala maqan tahay, oo weliba u sii kala firdheysaa, ma aha dawlad nacayb, ma aha midnimo nacayb, ma aha qowmiyad nacayb ee waa qoonsimaad iyo welwel laga qabo ku dhaqanka Dastuurka iyo wixii laysku ogaa.

Xog-ogaal ahaan, waxaan si buuxda idiinkaga codsanayaa, igama dhega yaridine, u hiiliya dastuurka iyo diimuqraadiyadda. U hiiliya Soomaaliya. Maanta ummadeena iyo caalamkuba waa idin wada eegayaa, codkiina xaqa ahina wuxuu isu soo dumi karaa dadkeena kala dhumay. Allaha idin waafajiyo cadaaladda.

MAHADSANIDIN