Farmaajo: waxaa iga go,an aniga iyo xukuumadaydu in gobolka mudug gaar ahaan magaalada Galkacyo iyo Gobolka mudug oo dhan bulshada ku nool ay helaan nabad waarta hadii alle idmo.

Farmaajo: waxaa iga go,an aniga iyo xukuumadaydu in gobolka    mudug gaar ahaan magaalada Galkacyo iyo Gobolka mudug oo dhan bulshada ku nool ay  helaan nabad waarta hadii alle idmo.

Barqamaal 2017-01-03

Dib u milicsi Gaalkacyo :Dagaalkii sokeeye ka dib  1993  waxaa heshiis lagu gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia oo ay hormood ka ahaayeen hogaamiyaashii waqtigaas alaha unaxariistee Madaxwayne Abdulahi yusuf iyo Jenaral Maxamed farah Caydiid ,heshiiskaas oo ahaa in  magaalada Gaalkacyo la soo wada dago ,iyo  in magaalada Gaalkacyo ehelkeedu nabad iyo walaalnimo ku wada daganaadaan,kana wadashaqeeyaan horumarinta magaalada Gaalkacyo.Heshiiskaas waxuu sababay in  magaalada Gaalkacyo  hal mar is wada bishay oo isu dhigtay caasimada gobolka Mudug oo dadkeedu si wada jir ah u dhisanayeen, waxaana magaalada ka muuqday baahiyaadkii aasaasiga ahaa sida goobaha waxabarashada, goobaha caafimaadka, biyo galinta magaalada, hotelo, goobo ganacsi iwm, oo magaalo u baahan tahay.Heshiiskii 1993 wuxuu shaqaynayey ilaa 2015.

Haddaba Su’aalaha maanta isweydiinta leh waxaa weeye  maxuu heshiiskii 1993 u shaqaynwaayey :

  1. Ma baahidii maalintaas magaalada Gaalkacyo iyo dadkeeda  u qabeen inay  wadagaan oo nabad ,darisnimo iyo ehelnimo ku wada noolaadaan  miyaa meesha ka baxday?
  2. Ma waxaa soo kordhay aragti ka duwan aragtidii hore ,mashaakilo  iyo culaysyo waawayn oo  siyaasadeed ,dhaqaale,bulsho oo ka duwan kuwii xilligaas jirey  oo cid xallisa la waayey, mise hogaamiyaashii xilligaas dadka u talinayey ayaa kuwa maanta jooga ka garaad roonaa,oo ka jecelaa wadanoolaansha bulshada aan kala maarmin  oo dariska iyo ehelka isu ah, ugana naxariis badnaa bulshada ? 

Farmaajo: Magaalada Gaalkacyo iyo Gobolka Mudug oo baahi wayn u qaba halkudhigii dawlada Madaxwayne Farmaajo ee ahaa  Nabad iyo Nolol.

                   

Madaxwaynaha dawlada federaalka ee Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa maalintii sida rasmiga ah loogu caleemo saaray madaxwaynenimada Somalia 23/feberaayo2017 ka yiri arimaha Mudug (http://www.bbc.com/somali/war-39051010)  ” Waxaan xoogga saari doonnaa dib u heshiisiinta magaalada Gaalkacyo, oo ay soo bilowday dowladdii hore“.  17 bishii December 2017 waxaa magaalada Galkacyo guriga Islaan Bashir Islaan Cabdille Islaan Farah  lagu saxiixay heshiis taariikhi ah oo ka koobnaa 11 qodob oo ku saleysan nabadgalyada gobolka mudug, gaar ahaan bariga mudug iyo magaalada Galkacyo oo dhibta ugu wayne ka dhacday. Heshiiska halkaa ka akhri ((http://puntlandi.com/akhriso-heshiiskii-gaalkacyo-lagu-kala-saxiixday-oo-dhameystiran-iyo-nuxurka-uu-xambaarsanaa /))

Madaxwaynaha dawlada federaalka ee Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa in mudo ah ku haminayey sidii uu nabad waarta uga dhalin lahaa gobolka mudug oo saldhig u ah khilaafyada waawayn ee ka dhaca gayiga Somalia.

Waxaa in badan laysku dayey in nabad laga dhaliyo gobolkaas, waxaana dhawr jeer magaalda Galkacyo lagu kala saxiiday heshiisyo aan dhaxal galin. Madaxwaynaha dawlada federaalka ee Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa gobolka mudug u soo diray taliyaha ciidanka xooga dalka ee dawlada federaalka Somalia Generaal Cabdiwali Jaamac Gorod iyo wafti uu hogaaminayo 17 bishii December 2017, taliyaha ayaa xamar kala yimid barnaamij ilaa hada u muuqda mid Madaxwaynaha dawlada federaalka ee Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo uu ugu talagalay in ay ku helaan bulshada dagta gobolka mudug nabad waarta hadii allihi waynaa ogolaado.

Waftigii uu hogaaminayey Generaal Cabdiwali Jaamac Gorod iyo barnaamijka ay wateen ayaa ilaa hada u muuqda mid aad looga soo baaraandagay, uuna Madaxwaynaha dawlada federaalka ee Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo u dajiyey hab ku dhisan mid dhaqan iyo mid nidaam dawladeed ah, mana qaadan waqti badan in beelaha khilaafku dhexyiilay ay gaaraan heshiis ay labada dhinac kala saxiixdaan.

Xaga habdhaqanka uu Madaxwaynaha dawlada federaalka ee Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo u dajiyey ayaa u muuqaneysa mid u sahashay in barnaamijkii uu nabada Galkacyo u soo dajiyey durba bulshadii dhibtu dhextiiley ay heshiis wadagaaraan. Madaxwaynaha dawlada federaalka ee Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo wuxuu isagoo isticmaalya sooyaalka hab dhaqameed ee hogaaminta bulsho shir gudoomiye barnaamijkaan uga dhigay Islaan Bashir islaan Cabdille Islaan Faarax oo ah Islaanka guud ee gayiga Puntland gaar ahaanna gobolka mudug oo Islaanka saldhig u ah. Sidoo kale kale waxaa goobjoog ka ahaa isimada gobolka mudug oo uu ka mida ahaa Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed ,Sareeya Gaas jeneral Sacid dheere ,Xildhibaan Sulayman ,Xildhibaan Cabdirashid,Agaasimaha wasaarada gaashaandhig Dr sonkor jama gayre,

Xaga dawlidnimada wuxuu Madaxwaynaha dawlada federaalka ee Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo u wakiishay barnaamijkaan in la fuliyo masuuliyiinta u dhashay gobolka mudug, ehelna u ah iney nabadi ka hirgasho goolka mudug. Madaxwaynaha dawlada federaalka ee Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo waxuu hirgaliye balanqaadiiskii uu sheegay markii loo caleemo saaray Madaxwaynenimada Somaliya kaas oo ahaa : (“Waxaan la imaan doonnaa hannaan cad oo ku saabsan dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee dacallada dalka”) isagoo adeegsanaya aqoontiisa dawlidnimo iyo kan waaya aragnimo ee dhacdooyinkii ay soo martay magaalada Galkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug ay u egtahay inuu dajiyey barnaamij nabadeed oo dawyn kara dhibaatooyinkii dhex martay bulshada wada dagta gobolka Mudug si ay ugu wada noolaadaan nabadgalyo iyo daris wanaag.

Islaan Bashir islaan Cabdille Islaan Faarax waxaa hadaladiisii ka mid ahaa in dadka barnaamija keenay, kala saxiiday ama golaha lagu kala saxiixday goob joog ka ahaa ay ka duwanaayeen sidii horay loo arki jiray, sidoo kale wuxuu Islaan Bashir islaan Cabdille Islaan Faarax tilmaamay in madasha lagu saxiixay nabada mudug ay ka duwantahay kuwii hore lagana doonayo bulshada ku nool gobolka Mudug iney taaba galiyaan heshiiskaas nabadaynta iyo dibuheshiisinta ah , maadaama Gudoominta heshiiskaas uu lahaa Islaanka guud ee gobolka mudug Islaan Bashiir Islaan Cabdille Islaan Farah.

,

Gabagabo:

Bulshada gobolka Mudug waxay ka sugayaan Madaxwayne Maxamed Cabdulahi Farmajo dhamaystirka hirgalinta balanqaadkiisii ahaa:

“Waxaan xoogga saari doonnaa dib u heshiisiinta magaalada Gaalkacyo oo ay soo bilowday dowladdii hore.

“Waxaan la imaan doonnaa hannaan cad oo ku saabsan dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee dacallada dalka”.

 

Waxay  sidoo kalae Bulshada gobolka Mudug doonayaan inay ahaadaan bulsho wada dagan oo  darisnimo ,ehelnimo iyo nabad kuwada noolaansho helaan hadii allihii weynaa ka ogolaado.

 

,

 

Qore: waxgaradka bulshada gobolka Mudug