Maxaad ka  taqaan heshiiskii Xudun iyo xeerarkii lagu dajiyey ?

Qore:  Abdulgadir Aden Hussein (Badhawe)

quran bismillah

Qoraalkaan wuxuu ka faaloon doona sadex arimood oo kala ah:

Maxaad ka  taqaan heshiiskii Xudun iyo xeerkii lagu dajiyey ?

Maxaad ka  ogtahay gumeysigii dhibta  gaar ahaaneed ee uu ku keenay Puntland  ?

Maxaad kala socotaa dhacdooyinkii ka hor dhisidii Puntland?

Maxaad ka taqaan heshiiskii Xudun iyo xeerkii lagu dajiyey ?

Mudo hada laga joogo afar boqol oo sano (400 years) waxaa labadaas ardaag ee aan kor ku soo xusnay ka talin jirey garcas garasho iya aqoon dheer ilaahay ku manaystay, kuwaasoo u talin jirey bulshadooda, wixii dani ugu jirtu bulshadana aan ka laalaaban jirin. Waqtigaas waxaa magaalada Xudun layiraahdo ee ku taal gobolka Sool lagu qabtay shir lagu saxiiday xeerka beesha Hartiga maanta u yaal. Xeerkaasu wuxuu tilmaamayaa sida beesha Harti dhinaca sadanada ugu kala dambayn lahaayeen, sida magta loo kala qaadanayo, iyo sida bulshada Harti meelay joogaanba masuuliyadeeda loo kala qaadanayo, sida Issimka meesha uu joogo uu u leeyahay masuuliyadeeda. Halkaas miyednaan ka arag in xeerka Xudun uu ka waynyahay xeerarkii dambe oo dhan, kana saxsan yahay ? In madaxweyne Gaas uu yiraahdo Tukaraq ama dhula maqan dastuurkey ku taalaa miyaa la aqbali karaa?

 Dhisidii Puntland?

Dawladda Puntland ee somaliyeed waxaa la aasaasay 1998kii, waxaana aasaasay isimo, siyaasiyiin, ganacsato, culimaa,udiin , haween. Dadka ugu caansanaa ee isugu yimi shirkii Garowe kadhacay 1998 waxaa kamid ahaa madaxweynihii hore ee Dawladda DFKMG Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Garaad Cabdiqani Garaad Jamac, Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, Garaad Saleebaan Garaad Mohamed, Ugaas Axmad Ugaas  Maxamad, Islaan Maxamed Islaan Muuse, Beeldaaje Xaaji Cabdullahi Beeldaaje, Suldaan Xasan Suldaan Xaaji Cali Baale, Ugaas Cabdullaahi Ugaas Yaasiin, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, Boqor Maxamuud Boqor Muuse iyo issimo iyo waxgarad badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin. Markii hore ujeedku wuxuu ahaa in ladhiso goboladii laysku oran jiray Waqooyi Bari,  Islamarkaas waxaa ku soo biiray gobolada Sanaag iyo Sool oo kula bahoobay maamulaka cusub goboladii laysku oran jiray Waqooyi Bari. Ka dib markii wadatashiyo badan ay yeesheen isimada, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, ganacsatada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool goboladan, ayaa waxaa la go’aansaday in magaalada Garoowe lagu qabto shir loo wada dhan yahay kaasoo ujeedadiisu ay ahayd in la dhiso maamul dowlad goboleed.

Maxaa kala socotaa dhacdooyinkii ka horeeyey dhisidii Puntland?

Ergadii gobolada Waqooyi Bari qaar waxay ku adkaysteen taladi hore ee la isugu yimid ee ahayd in maamul loo dhiso gobolada Waqooyi Bari  halka qaar kalena soo dhaweeyeen fikrada cusub ee dhahaysa gobolada Harti Waqooyi iyo gobolada Waqooyi Bari sina kuma kala maqnaan karaan , aqoon yahanno, siyaasiyiin iyo madax dhaqameedyo badan ayaa arinta Harti Waqooyi iney wax ka dhistaan maamulka Puntland kasoo horjeeday. Hayeeshee sida la wada ogyahay gobalada Waqooyi Barri iyo kuwa Harti Waqooyi waxay kaga duwan yihiin bulshada kale ee somaliyed kaalinta muuqata ee ay madax dhaqameedku ku leeyihiin bulshada dhexdeeda. Issimadii labad ardaag waxay qalinka ku duugeen in khaladkii gumeysiga dib loo saxo, halkaasna waxaa lagu yagleelay Puntland. Aragtiyahaas kala duwan nasiib daro waxay keetay in hogaankii ugu sareeyey ee Puntland ragii qabtay markii laga reebo Cabdullaahi Yuusuf Axmed ay kusoo baxeen rag lagu xaglinayey iney ka mid ahaayeen ragii markii hore ka biya diidanaa midayntii labada ardaag, waxaana ka mid ahaa Generaal Madaxweyne Cade Muse oo laga qabsadey caasumadi Laascaano ee gobolka Sool, Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole oo isagana laga qabsadey hoygii hidaha iyo dhaqanka bulshada Harti ee magaalada Taleex, waxaa sadexeeya Madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas oo isagana si toosa loo gala wareegay magaalada Tukaraq lana rumeysanyahay iney ku agdagtahay inuu dagaal ku soo celiyo Tukaraq amaba dhulkii Puntland horay looga qabsadey. Madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas isagu wali hogaankii Puntland buu hayaa, fursadna u haystaa inuu dhulka maqan soo celiyo. Qofka hogaanka bulsho soo jirtey qarniyaal loo dhiibayo maxaa laga rabaa inuu ogayahay, madaxdii Puntland soo martay ma ogyihiin heshiiskii Xudun iyo xeerkii lagu dajiyey waxay bulshada ugu fadhido?

Maxaad ka  ogtahay gumeysigii dhibta  gaar ahaaneed ee uu ku keenay Puntland  ?

Qiyaastii taariikhdu markay ahayd 1856 waxaa dhulka buuhoodle ku dhashay shiikhii la dhihi jiray Sayid Mohamed Cadulle Xassan, hooyadiis waxaa lagu magacaabi jirey Timiro Sade, waxayna kasoo jeeday beesha dagta magaalada Buuhoodle. Sheikhu wuxuu ku bartay diinta Islaamka dalka Sudi-Arabia, wuxuuna gaar ahaan sheikhu ka mid ahaa dariiqadii Saalihiya ee uu hogaamin jirey Sheikh Maxamad Ibn Salih Al-Rashidi. Sheikh  Salih Al-Rashidi wuxuu kasoo jeeda culimo wada ma,wi ahayd magacyadooduna noqdeen dariiqooyin, oo ay kamid ahaayeen Sheikh Rasid(Rashiidiya), Sheikh Ahmed (Ahmadiya), Sheikh Sanusi (Sanusiy), Seikh Mirghani(Mirghaniya).

Sayid Maxamed wuxuu halgankiisii qaatay dhowr iyo labaatan sano kasoo bilaabay magaalada Berbera qiyaastii 1895, markii gumaystihii iyo waliba dadkii diinta islaamka kasoo horjeeday u adkaysan waayeen muxaadarooyinkiisi ayey ka masaafuriyeen Berbera. Waxyaalaha Sayid Mohamed layaabay waxaa kamid ahaa dhalintii laberi jirey diinta masiixiga ee magaalada Berbera. Halgankii dheeraa ee Sayid Mohamed la galay gumeysigii waxaa si wadininimaa uga qayb qaatay beesha dagta gobolka Sool ,Sanaag iyo Cayn, waxaana ku naf waayey rag badan oo beeshaas u dhashay, inkastoo beela badan ku jireen halgankaas. Abwaanada ugu waawayn gabayada iyo maansooyinka somaalida ayaa lagu xasuustaa sida beeshaasu uga qayb qaateen halgankii, waxaana ka mid ahaa Cali Dhuux, Cilmi Carab, Ismaaciil Mire, Samatar Baxnaan.

Nasiib daro gumeysigii waa guulaystay, heshiiskii Xudun ee dhawrka boqol oo sano jireyna waa la burburiyey, beelihii wada dhashay ee heshiiskii Xudun xudumayna waa lakala qaybiyey. Qayb waxaa laraaciyey beelihii daganaa meeshii Sayid Mohamed laga soo cayriyey, qaarna waxaa la raaciyey beelihii kale ee Somaliyed. Kuwa murtida gabayga alle ku manaystay maxay ka sheegi lahaayeen caawa Sool, Sanaag iyo Cayn haday rabaan iney  u waramaan: Cali Dhuux, Cilmi Carab, Ismaaciil Mire, Samatar Baxnaan, Sayid Mohamed, Timro Sade iyo boqolaal raga oo ku naf waayey ilaalinta sharafta iyo karaamada Shirshoore iyo beelaha Harti Bari.