Deprecated: __autoload() is deprecated, use spl_autoload_register() instead in /customers/0/9/6/barqamaal.com/httpd.www/wp-includes/compat.php on line 502 DAAWO SAWIRRO: Islaan Bashiir Islaan Cabdille oo shir gudoomiyey kulankii ugu horeeyey ee ay yeesheen Guurtida Dibu heshiisiinta G Mudug – Barqamaal

DAAWO SAWIRRO: Islaan Bashiir Islaan Cabdille oo shir gudoomiyey kulankii ugu horeeyey ee ay yeesheen Guurtida Dibu heshiisiinta G Mudug

Filed under: W.Gudaha,Wararka Maanta | 

GAALKACYO(P-TIMES)- Islaan Bashiir Islaan Cabdille oo kamid ah isimada Puntland ayaa maanta shir gudoomiyey kulankii ugu horeeyey oo ay wadajir u yeesheen Guddiga Guurtida iyo dibu heshiisiinta ee labada dhinac ee Puntland & Galmudug.

Kulankan ayaa looga hadlayay sidii loo dhaqaajin lahaa dadaalada dibu heshiisinta, loogana miro dhalin lahaa qodobadii ay horey dhinacyadu ugu heshiiyeen ee la xariiray dhanka Nabadgalyadda.

Isimada gobalka Mudug oo shirkan ka qeybgalay ayaa soo dhaweeyey in wadajir maanta loo bilaabo Aayaha nabadda ee gobalkaas, ayna qeyb ka yihiin dadaalada guddigan.

Siyaasiinta labada dhinac oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay ka go’an tahay nabad waarta oo ka dhalata gobalka, waxayna sheegeen in ay ugu baaqayaan qeybaha bulshada oo dhan in ay doorkooda ka ciyaaraan arrimahan taagan

Magaalada Gaalkacyo waxaa ka socda dadaal ay horkacayaan Isimadda gobalka Mudug, uuna Shir gudoon u yahay Islaan Bashiir Islaan Cabdille, kaas oo ku aadan sidii nabad waarta looga dhigi lahaa gobalka oo ay marar badan ka dhaceen isku dhacyo u dhaxeeya maleeshiyo beeleedyo iyo labada maamul ee Puntland & Galmudug, kuwaas oo dibu dhac weyn u geystay gobalka.

Maamulada Puntland & Galmudug ayaa horey heshiisyo u gaaray, laakiin heshiisyadaas ayaa fashilmi jiray, balse heshiiskii ugu dambeeyey oo ay Isimadu lahaayeen balan-qaadkiisa ayaa hadda ah mid laga gaaray guulo wanaagsan, shacabkuba wey soo dhaweeyeen dadaalada Isimaddu horkacayaan.