Anagoo arkaynaa gacmaha nalagu iibsanayaa

Anagoo arkaynaa gacmaha nalagu iibsanayaa

Diinta masiixiga ayaa ogol adoonsiga: in noolaha dadka ee ilaahay abuuray is iibsadaan, gaar ahaan in dadka madow lakala iibsado waa mid soo jireen ah, waxaana laga dhaxlay dagaalo dadbadan ku baaba,ay, iyo in arintaasu dadka madow ay ku noqotay bahdil ay adagtahay sidii  ay uga bixilahaayeen dadka madow gaar ahaan bulshada Afrika ku nool.

Dadka haysta diinta masiixiga qaarkood waxay rumaysanyihiin (Akhri genesis book, Kapital 9, 25-26) in dadkka madow in la adoonsado ay saxtahay, waxayna ku andacoonayaan sida diinta masiixigu qorayso in dadka madow gaar ahaan dadka ka yimid Afrika ay yihiin dad ilaahay u sameeyey adoonsi, kana hooseeyaan umadaha kale ee alle ku abuuray dunidaan.

Qiyaastii qarnigu markuu ahaa 1442 ayey bilaabatay in dadka madow laga dhoofiyo qaarada Afika loona dhoofiyo wadamada Europe. 1526 waxaa bilowday dhoofintii dhalinyarada Afrikaanka ahayd si dhalinyaradaas madow ay uga shaqeeyaan beerihii ay lahaayeen maal-qabeenadii cadaanka ee ku yiilay dhulka looyaqaan Laatin-Ameerika, dabadeena adoonsigii dadka afrkaanka ah wuxuu ku fiday aduunkoo dhan, gaar ahaan qaarada waqooyiga Ameerika. Maxay ahayd sababihii dadka madow loo doortay in la adoonsado, lana rarto?

Ama kaagay goortay wankii araxda tuujeene: Waxay ku jirtay gabaygii Ismaaciil Mire, dadka madow gaar ahaan kuwa u dhashay qaarada Afrika waxay ahaayeen kuwo Alle siiyey xoog iyo adkaysi ay uga shaqeeyaan hawshii dhibta badnayd ee laga qabanayey beeraha habeen iyo maalinba, dadka kalana aysan lahayn, sidoo kale waxay dhalinyaradii laga soo afduubtay Afrika lahaayeen awoood jir ahaaneed iyo gaar ahaan u adkaysi kulaylkii wadanka Baraasiil. Dadka cadcad ma awoodaan dhulka kulaylahaa iney mudo dheer ka shaqeeyaan. Adoonsigu macnahiiso waa in hawshii aad qabsan lahayd qof kale kuu qabto, taas oo markaas ka qaadaysa qofkii kale xornomadii ilaahay siiyey.

Adoonsiga, gumeysiga iyo horumar la,aanta waxyaalaha ugu waynaa ilaa hada waxay ku xirnayd kala xoogbadnaanta dhinaca awooda ciidamada, inkastoo dagaalkii labaad wixii ka dambeeyey ay iyana qayb ka ahayd khilaafkii la dhexdhigay bulshadii lasoo gumaystey, amaba lasoo adoonsadey. Ilaa iyo hada waxaynu kasoo sheekaynay dhibtii ay soo mareen dadka madow, gaar ahaan dadka u dhashay qaarada Afrika. Maxay tahay dhibtaan joogtadaa ee haysata qaarada Afrika?

Afrika waxaa ku dhacday inkaar barwaaqo iyo hanti darteed: waa halhayska aqoonyahanada u dhuun duleela haardaamooyinka loo gaysanayo Afrika. Qarni yadii hore waxaa afrika loo adoonsadey in xooga dhalinyarada Afrika ilaahay siiyey si khasab ah loogu shaqaysto, dabadeed waxaa bilaabatay in dahabka, dhaymanka, iyo waxyaalaha dabiicigaa ee Alle ku manaystay layska gurto. Gumeysigii intii ay Afrika ku jirtay waxaa beeralayda Afrika lagu khasbay iney beeraan miraha aan aduunka kale laga helin, sida Mooska, Liinta, Canbaha iyo wixii la halmaala, isla markaasna Afrika loo iib gayn jirey Bariiska, Baastada, Galayda, Sonkorta iyo wax yaalaha daruurigaa ee Afrika u baahnayd iney marka horoba beertaan. Barwaaqada ilaahay ku manaystey Afrika ayaa noqotay mid ayadii lagu dhibaateeyo, waana midaas tan halhayska uga dhigtay”Afrika waxaa ku dhacday inkaar Barwaaqo/Hanti darteed“.

Qaarada Afrika oo intaas oo dhiba lasoo mariyey waxay ahayd in qarnigaan bulshada Afrika ay ka madaxbanaanaato in dhibtaas mardambe aan loo gaysan. Hayeeshee wuxuu yiri Abwaankii weynaa Ismaaciil mire ” ilmaroojihii bey khatalay kii an aaminaye” Madaxdii loo doortay iney hogaamiyaan Afrika, bulshadii aamintay wey khiyaaneen haday tahay iney nabad ku soo dabaalaan, iyo hadayba tahay iney ilaaliyaan hantida Afrika. Hadii aynu inyar dib u fiirino Somalia, gaar ahaan bulshada ku nool Waqooyi Galbeed, iska daa iney dib u eegaan in Afrika amaba Somalia aysan u baahnayn dagaal dhexmara ninmadow mardambe iyo umada Somalida dhexdeedee, waxay dagaal toosa ku qaadeen beel Somaliyedeed oo dagan Sool iyo Sanaag, ugu dambayntiina waxay qabsadeen magaalada Tukaraq. Kala qaybsanaanta bulshadu waxay qayb ka ahayd adoonsigii, gumeysigii, hantidii qaarada Afrika ee laguranaayey, maanta kala qaybsanaanta beelaha Somaliyed waxay horsseday in beel walba dhinac u dhaqaado, in beel walba ay la xirato dawladay rabto, ganacsigay rabtana la samaysato. Maxaa ku soo siyaaday inkaartii ku dhacday hantida /barwaaqada darteed qaarda Africa?

Anagoo arkaynaa gacmaha nala ku iibsanayaa: Dhicida, boobka iyo sirta lagu dhacayo qaarada Afrika waxay ahaan jirtey mid loo soo maro farsamooyin kala gadisan, waxa la dhici jirey waxay badanaa ahaan jirtey kuwa aan kor ku soo xusney. Iminka waxaa bilaabatay in lala wareego hantidii maguuraanka ahayd sida: Dakadaha, Ayraboorada, Hawada, Dhulbeereedka, Xeebaha lagu maleynayo khayraadka dabiicigaa, dhulka laga heli karo Macdanta, Saliida. Dhicitaankaan hada socda maaha mid farsamooyin adag la adeegsanayo, lagana qarinayo bulshadii lahayd khayraadkan ee waa mid iyadoo maalintu caddahay lays dhacayo, dadkiina ujeedo. Wuxuu yiri Abwaankii weynaa: anigoo arkaayaa gacmaha laygu iibsadaye, hada anagoo arkayna baa gacmaha nalagu iibsanayaa. Kuwii wadanka madaxda looga dhigay iyo kuway ka iibsanayaan waa ujeedaan waxay sameynayaan, Somali oo dhan waa ujeedaa in wadankii lagadanayo, qaarada Afrika oo dhan waa ujeedaa, caalamkii Islaamkoo dhan waa fiirsanayaa waxa ku dhacaya Somalia. Sidaas hada loo fiirsanayo in Somalia lakala googooyo, dabadeedna qayba mar laiibsado ayaa markii dhalinyartii qaarada Afrika la afduubayey, la adoonsanayey, la raranayey loo fiirsanayey. Waxaa Somalia boobaysa bulsho kale oo ka dhaqaala badan, ka cilmi badan, kana nolol fiican. In bulsho intaas oo dhan ku dheer ay ku dhacdo waa muudal nimo, waa bakhayl nimo, waana mid u baahan in inta goori goor tahay aad bulshadaada badbaadisid, ubadka soo korayana aad uga tagtid dal iyo dhul caafimaad qaba, hadii kale kuma ay cafindoonaan hadaadan hadeer ka hortagin waxa laguugu talagalay in aad aakhirka ku dambeyso

 

Abdulgadir Aden Hussein (Badhawe)